Gabaygan la magac baxay "u dhowaa," waxaa curiyey allaha u naxariistee
Cismaan Yuusuf Kennadiid oo noolaa intii u dhexaysay sanadihii 1889-
1972. Cismaan gabaygan wuxuu tiriyey mar uu la yaabay sidda arrimuhu
u socdaan, markaa iyadoo dulucda gabaygiisa laga garan doono midhaha,
wuxuu yiri:
Nin hadduu cillad xoogliyo La caatoobo bugtoo
Cashiyoo la maliilo In kastuu cudurtoobay
Haddii aan cimrigiisiyo Calafkiisu dhamaanin
In caynaano la siiyiyo Caafimaad u dhowaa
Nin caleenta la saarayoo Currad oo la boqray
Hadduu caadil garsooriyo Cod kar uu noqon waayo
Amaan deeq lagu cawryin Innuu caasiyo uunkoo
La caayaa u dhowaa
Ninkii cood rabbi siiyey In uu caaqil noqdoo
Cindigiisa qaneeciyo Ammaan uu cuskiyo
Buu ku cayshi karaaye Hadduu caalle bakheyliyo
Ciirsi laawe noqdo Nabsi caadka u joogiyo
Cuqubaaban gafeyne Haddii maalka col qaado
In uu caynsanba waayoo Cayroobaa u dhowaa
Wadaad waa cilmi kii loo Ka cabsooda illaahoo
Cibaadeysan hayoo Caalinoo wax yaqaanoo
Marse hadduu dad cabiidsi Iyo cunto raadsi noqdoo
U curraafo haweenkoo Asmaa'daan celiyaa
Ku caaneysto ayaan In sirtiisu cadaatoo
Cuntadduu khatallaayiyo Caamadiiba gartaanoo
La cayrshaa u dhowaa
Caan ahaanba haweenku Waa in ay codka koodiyo
Ceshadaan haddalkooda Caada-doodna xishood iyo
Ceesid ay ku wadaan Haddeyse caynka dullooboo
Carrada haatan ka buuxa Camalkood ku daydaan
In ragoodu colaadshoo Laga cawdu-bileystiyo
Cannaan baas u dhowaa
Gabdhaha tii dhab u cas oo Caafimaad ka ifaayo
Raggu waa u col oo Waa la caashaqayaaye
Hadeyse caaq noqotoo Ceshan weydo nafteeda
Oy ciyaal is-bartaan In ay cawro haleeshoo
Ceebbowdaa u dhowaa
Cudduduu ka dhashiyo Nin cashiirki fogeeyey
Oo citibaarta qabiilki Callooshiisa ka gooyey
In shisheeye cirriiryiyo Rag in uu ku ciyaaroo
La ciillaa u dhowaa
Dawlad caaqibadeed Waa in ay carradeeda
Camiraad ku wadaa Caawintaana dadkeeda
Cadlina ay ku dhaqdaa Ninkii caasi garoobana
Ay cinqaabi kartaa Hadeyse caajis ahaatoo
Caal waa ay noqoto Dad ninkii caqli gaab'iyo
In carruuri ku dheeshoo Caddawgeed ku farxiyo
Casilaad u dhowaa
Cabdullahi Suldaan (Timacade) Eebe naxariista Janno ha ka waraabiyee oo caan ku
ahaa inuu muujiya dhibaatooyinka ay qabyaaladdu bulshada u leedahay wuxuu yiri:
Intaad Reer Saxardiidiyo
Reer Sarreeye Dubeeyiyo
Reer Samaale tihiin ee
Suldaan Caarshe ogaa iyo
Cuqaashii San Qalloociyo
Subax kiina casheeyaa
idin seexinayaan
Sallaan aad ka baxdaaniyo
Salka meel aad dhigtaan
sacabkoo tima yeeshiyo
saabuun xoor lag waayiyo
waa dameer san madow oo
sina loo arki maayoo
waanay suurta gelayn
_________________________________________________________
_________________________________________________________
Waxa la yiri Saahid Qamaan ayaa doonay gabar aad uga da' yar oo ay
isku cid ahaayeen. Reerkii gabadhu ka dhalatay waxay Saahid Qammaan
ku yiraahdeen, Saahidow gabadhu way kaa yar tahaye maad kuwa waaweyn
mid ka dooratid? Markaa Saahid Qammaan innantii yarayd baa laga fujin
waayey ugu danbeystiina wuu ku guuleystay oo gabadhii ayaa loo aqal
geeyey.
Odaygu wuxuu gabadha ka filayey in ay sidii ruux weyn u dhaqanto.
Nasiib darrose Wey noqon weydey siduu damacsanaa markaasuu doonay
in laga bedelo oo gabar kale loo dhaafiyo. Ilayn xeer baa qabanaya
oo si qayaxan waa ugu sheegi kari waayey ciddii, maalin maalmaha
ka mid ah ayuu la shaxay ni la oran jirey Feyniin Muxumud oo gabadha
ay ilma adeer ahaayeen. Isagoo ninka seeddigiis ah u duurxulaya ayuu
shaxda korkeedii ka tiriyey gabaygan wuxuuna yiri:
Gamaankiina badan Feytinow gabalba waa cayne
Qaar baan gardiidkana aqoon gaalibna hoireyne
Qaar baan ka goor iyo ka goor godolka deyneyne
Qaar baan garmaamada la barin gole ka fuulkaaye
Gabxa lagu shakaalyow sengii gaabi orodkiiye
Gacalnimo haddaad naga rabtaan go'aha noo doorsha
Haddii kale sidaad noo gasheen yaa inoo godoba
Feytin muxumud ayaa u jawaabay isagoo tusaalaynaya in aan laga
bedelayn ee uu rabaysto tababartona illeyn isagaa doortay innan
da' yare, wuxuuna yiri:
Hal garawsha ley Saahidow gobi la yeedhaaye
Horta garab wagliil waa xun yahay la is garraaxaaye
Nin gamaan yaqaanaa dhal waa gaasa bixiyaaye
Haddii nadigu gubo neef yar wuu jara garriiraaye
Waa laba iyo toban gu jir aan fuulankeed geline
Waa kaa gankeedii guryaha loogu caws guriye
Maxaad nagu gelaysaa haddaad fuulma garan weydey
Ka dib inantiisuu ayuu rabaysatay oo uu gabaygan ku waaniyey. ka
dib inan allamaqaada ayey noqotay.Gabaygan ayuuna kula dardaarmay
Saahid,Wuxuuna yiri isagoo gabadhii la hadlaya:
Afka adari reer Uguji iyo nimanka Iimeeya
Isxaaqaa irdaha Maalinguur amara weyntiisa
Habiskuul bartire reer Garaad ururka reer Kooshin
Oodweyne reeraha ku jira nimanka Iidoora
Ilig iyo Awaare iyo Sheed iranka Ceeldhiinle
Oolida magaalooyinkiyo arrarta Buuhoodle
Afartaa geryood uunka yaal idilka soomaali
Intaasaan ilaalana marshoo dumarna eegaayey
Asli midabkii leeyay haddaan adiga kaa doortay
oon wada anfiyey naag kaloo Odonla kuu raacay
Ardo iyo sidii macalin baan kuu af barayaaye
Naahoy aan eray kuu dhigeee qaado odhaahdayda
Ma udgoona naag inan gumood uudna shidan mayne
kol haddayna ubad yeelatana lagaba ayuusye
arwaaxaaga oogada biyaa abid ha moogaynin
uskag naag le waa necebnehee yuusan kugu oolin
nin udgoonka jecel baan ehee uunsiga ha daynin
Kolla haddaadan iga maarmahayn idan ha moogaanin
Haddii inan la guursado tolkay waw abtiriyaaye
adyad iyo waxay kuula iman agabbar naagoode
afka iyo ilkaa rumayga mari oo indhaha kuulo
adigaan ilwaad quruxsanayn yaan laguu imaninin
Aqalkiyo ardaagiyo qoryaa ilinta aad joogto
aqlibiyo awaare isku kacay sidatan geel oodi
yuu kaa ahaanine kurtiis ha isku awdnaado
isku idikib oo wada adkee ilaxidhkaan jiifo
hana igu itaaline ka yeel meel ergada deeqda
Ilma-addeeraday iyo kuwaan oday wadagayney
niman urursanoo ila fadhiya haw irdha la'aanin
uurkaygu suu damacsanyahay aniga oon sheegin
aqligaa wax lagu fiiriyaa garo ixtaajkayga
Ammin gaabtay aaskoo dam yidhi niman aguugaaye
meeshay adduunyadu martiyo adhiga foolkiisa
Irraday fadhiistaan galbeed kama ajoodaan
Arwaaxooda waa uga tudhaan Reer Ugaas-Magane
Dadka uma ekee yaan la odhan,lama aqoonayne
Anshaxooda baro haatanaa,lagu ogaysiine
Afarta hilqadoodiyo qardhaas,aqalka kuu taala
Alaabtaada oo idil adoo,urursadoo qaatay
U tagoo ogow inay yihiin awrta bah Xawaadle
Anoo maqan Islaan idin martiyey,niman i aanaystay
ha ku odhanin Allaa igu ogoo,aabahood ma hayo
Arli durugsan yay iigu iman,inaad asbaaxowday
Anoo aan ogayn dhuuni yay ,igaga eed sheegan
Naagaa Ugaaslee dadkiyo,ururi waayeelka
Ayaan noolba tii qaylisaa, waa ibliis darane
irdho qaado aashaana soco,aayar haddalkaaga
is ogow afkaaga yasiro,edebi waa doore
Usha aniga oo kugu dhiftaad meela ka ilduuftay
hana ooyin aabow ha odhan hana ugaadhoobin
inaad oydid inaad aamustaad ku arrin dhaantaaye
ayaan iyo ayaan naag xun baan umulka deyneyne
Adoo uubatayn reero kale yaaney ku ogaanin
Intaasaan afeef kuu dhigoo waano kuu idhiye
Haddii Eebahay kugu anficin waa kitaab idile
Haddii aadan aqbalin xaajadaa ogeysiiyey
Nin kaloo illaah kuu baxshaba kala awaareynay
_____________________________________________________________________
Gam'i Waayey Soomaaliyeey Gocashadiiniiye
Abwaankii Soomaaliyeey Cali Xuseen Xirsi Allaha u naxariirstee,
waxaa uu ku caanbaxay gabayadiisii taageeradii gobamina-doonka
iyo ku guubaabinta Soomaalidu inay danteeda raacato.Waxaa abwaanku
maansadaan ku cabiraayaa sida uu uga calool xun yahay sida Soomaalidu
danteeda u garan la'dahay, waxaadse moodaa qofkasta oo ka damqanaaya
danaha Soomaaliyeed in ay maanta murugadaas oo kale haysato. Abwaanku
waxa uu maansadiisa ku yiri:
Ereygaan rakibay iyo dhulkaan xalay garaacaayey
Gurxanka iyo reenkaad libaax go'aya moodeysey
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
Sida oday gablamay oo wuxuu dhalay gargaareynin
Oo fiidkii garka iyo labada low meel isigu geeyey
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
Sida gaari kii qabay dhimtoo galab la sii qaadey
Oo geeridiisii ilmada goboc ka siineysa
Oo goroda loo suray midaan gabdhuhu doonaynin
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
Sida geel haraadoo mudkii geri ka dhuubnaaday
Oo goray ninkii maali jirey godol ka soo waayey
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
Sida aar gamuun lagu dhuftoo gubayo waabaydu
Oon geesna ka arkeyn wixii nabarka gaarsiiyey
Oo meel gawaan ah u baxoo miciyihii giijey
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
Sida dooni maal lagu guray oo gurada loo buuxshay
Oo ay shukaantii gebtiri gobolna naafoobay
Oo geesigii waday hamiyey guuldarada haysa
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
_____________________________________________________________________
HAMMI
Gaybaygan waxaa curiyey Allaha u naxariistee hal-abuur Raage
Ugaas wuxuuna yiri:
Xalay waxaa isniintii i helay, Toban umuuroode,
Asal gama'ana ways idhi, hurdana uurka kama seexan,
Indhahana ma kala qaadin, aragna way ii muuqday,
Afka kama dhawaaqayn, hadana aamus ma yeelan,
Ogaan umma qoslahayn, hadana iligyadey muuqday,
Aradkana dad kumma weheshan, uruna waan joogay,
Albaabada dibada aan ka iil, aqalna waan jiifay,
Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray,
Oon baa i dilay, oo biyaan ku ag wareegaayey,
Onkod iyo hilaac roobna, waa nagu itaaleeyey,
Ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayey,
Awaartii ma nabbin, hadana wuu anfacay kaynta,
Anfariir xaluunbaan hurdada, oog la soo kacaye,
Illinkaan talaabada ku waday aabaarahaye
Meeshaan abaarada ku tago, aakhir bal aan eego.
_____________________________________________________________________
OOGTII HORAY NAGU KACEEN
Gabaygan la magac baxay "oogtii horay nagu kaceen," waxaa curiyey
illaahay ha u naxariistee Ismaaciil Mirre, isagoo sida la sheegay
ula safray xoollo jar ah magaallada Burco oo xilligaasi tuullo ahayd,
markaa waxaa la sheegay in Ismaaciil ay ka af-badiyeen nimankii ahaa
dullaaleyda ee markaa joogay sayladda Burco ayna arigii ka siisteen
lacag aan u qalmin oo yar, markaa Ismaaciil isagoo arintaasi ka
hadlaaya wuxuu yiri:
Nimanyahow awow iyo awow iyo abka-ansheegto
Iyo anigu abidkay ma'arag iibsi lacageede
Adduun buu lahaan jiray raggaan isir wadaagnaaye
Ol-olahaan wax kaga qaybsan jiray ululuf duullaane
Mar-uun baan ammaamuday wax'aan aabbahay falline
Afar waxaan u dhaxay tuulladii awrta loo raraye
Albaabkii burcaan tegay anoo aalladii sida'e
Amminkiiba lay yimid siddii eegti lay yahaye
Oggii horay nagu kaceen ari dillalkiiye
Dar iimmaanka laga qaaday bay illa ahaayeene
Amankaagay goortay wankii arraxda tuujeene
Intaa weeye iyo ma'ahaddii lays illaaqaayey
Assaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
Il-maroojihii bay khatalay kii an aaminaye
Afar bawlad laga gooyey bay igu alluubeene
Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
Kuwo boqonta ood laga saaray bay illa ahaayeene
Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaabeene
Ascaartaba rag baa iga badshee iddinku weydiiya
Gabaygan waa mid aad u qiimo iyo qadarin badan markii ay timaado
suugaanta soomaaliyeed, waayo waa mid ka hadlaaya xaqiiqda dhabta
ah ee qabyaalada, sharax iyo tusaalooyin wanaagsana ugu filan ruux
waliba oo soomaaliyeed kuna jaha wareersan waxa ay qabyaaladi tahay,
daneynayana in uu naftiisa u horseedo dariiq ka duwan kan qabyaalada.
Gabayga waxaa curiyey Illaahay ha u naxariistee Abdullaahi Suldaan
Timacade (1967), isagoo tusaalaynaayey soomaalidii joogtay xilligii
gobonimada iyo agagaarkeeda dawxumada qabyaaladana wuxuu yiri:
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama, iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
___________________________________________________________
_________________________________________________________
Waxaa gabayga hoos ku qoran oon oran karno waa gabayga ugu muhiimsan gabayyada
soomaaliyeed. Wax kasta soomaali way ka gabayday, adduunayada waxayba kaga
caan bexeen inay yihiin geeljirayaashii gabyi jirey. Gabaysna se kama
diirranayn oo kama wadna taabasho kululayn markuu abwaanku waddaninimada ku
caan baxay Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee abwaan Cabdullahi Suldaan
Tima-cadde.Maalintii weyneyd oo iftiinka badnayd 26 kii Juun 1960 uu is taagay
beerta xorriyadda Hargeisa oo ahayd meeshii lagu dejinayey calankii gumeystaha
Ingiriiska oo bustayaashiisa ka laalalabanyey dhulka soomaaliyeed oo uu muddo
gumaysanayey. Waxaa isla meeshaa lagu suray "Cawaale" oo cirka u eg, xiddigtii
caddaydna ay dhexda kaga taallo.
Abwaanku isagoo ka hadlaya qiimaha xorriyadda iyo calanku leeyahay,
dhibaatooyinkii loo soo maray iyo meesha uu kaga yaallo umadda soomaaliyeed
Wuxuuna gabaygiisii ku yiri:
1 Anigoo sebi uun ahoo
2 Sita leeb iyo qaansoo
3 Siigaduun isku aasoo
4 Sabo reer ka fogaanoon
5 Laygu aaminin soofkiyo
6 Saaca maanta aan joogno
7 Gabaygu waygu sugnaayee
8 Haddii aan Sarsarriigo
9 Ama aan surmaseejo
10 Amaba aan sixi waayo
11 Ama aan ka salguuro
12 Amaba laygu saluugo
13 Soomaalida i maqlaysaay
14 I su'aala hadhow
* * *
15 Ilaahaan waxba seegine
16 Subaciisa Quraankiyo
17 Sabbaxooyin ku sheegayow
18 Saciira iyo naciima
19 Rabbiigii kala seerayow
20 Markay suurtu dhawaaqdo e
21 La soo saaro makhluuqa e
22 Shaqiga iyo saciidka
23 Maalintaad kala soocdo
24 Dembigaannu samaynay
25 Rabbigayow naga saamax
* * *
26 Subciyay oo ka dukeeyaye
27 Ka siddeetan sebaaney
28 Calankaannu sugaynaye
29 Sahankiisa ahaynow
30 Seermaweydo hillaacdayow
31 Sagal maanta darroorayoo
32 Siigadii naga maydhayow
33 Saq dhexaannu ahayne
34 Kii soo saaray cadceeddow
35 Samada kii u ekaaye
36 xiddigaa mid la siiyayow
37 Saaxirkii kala guurraye
38 Sarreeyow ma-nusqaamow
39 An siduu yahay eegno e
40 Kaana siib Kanna saar
* * *
41 Saahidiinta lslaamka e
42 Subcisaa Jimcayaashiyo
43 Sibyaanta iyo haweenku
44 Calankay Saadinayeenow
45 Cidina kaanay na Siine
46 Saatir noogu yaboohayow
47 Saaxirkii kala guurraye
48 Sarreeyow ma-nusqaamow
49 Aan siduu yahay eegno e
50 Kaana siib kanna saar
* * *
51 Sallaankii istiqaalkow
52 Sedadu kay ku xidhnaydow
53 Sayruukhii Afrikaadow
54 Saaxirkii kala guurraye
55 Sarreeyow ma-nusqaamow
56 An siduu yahay eegno e
57 Kaana siib kanna saar
* * *
58 San-ku-neefle dhammaantii
59 Khalqiga kii u sinnaayeen
60 Mid saaxiib la ahayne
61 Sangalkii iska diidayow
62 Saaxirkii kala guurraye
63 Sarreeyow ma-nusqaamow
64 Aan siduu yahay eegno e
65 Kaana siib kanna saar
* * *
66 Soomaloo iscunaysa oo
67 Saqda qaylo dhawaaqdiyo
68 Sulub laysu cabbaystiyo
69 Hadba soof la xabbaadhiyo
70 Saraayaa dami weydey
71 Kii laydhiisu na saaqdayow
72 Kii sadqeeyey qabaa'ile
73 Isu saaray gacmaa ee
74 Saf walaala ka yeelayow
75 Saaxirkii kala guurraye
76 Sarreeyow ma-nusqaamow
77 An siduu yahay eegno e
78 Kaana siib kanna saar
* * *
79 In sidayda tihiin iyo
80 In kalaanan saxaynine
81 Soomaloo calan taagta
82 Saakay noogu horraysa oo
83 Saddex wiig iyo maalmo
84 Haddaan Soor cuni waayo
85 Safrad laygama yaaboo
86 Sarina mayso naftayda e
87 Saaxirkii kala guurraye
88 Sarreeyow ma-nusqaamow
89 An siduu yahay eegno e
90 Kaana siib kanna saar
* * *
91 Nimankii na Siraayaye
92 Waaxwaax noo kala saaftaye
93 Solanaayey cadkeenna e
94 Innagoo dhexda suunku
95 Sabarkeenna qarqooray
96 Kii sedkeenna Cunaayaye
97 Sarartiisa ka muuqdaye
98 Surwaalkii ka yaraadaye
99 Daaro loo sibidheeyiyo
00 Sariiraa lagu seexdiyo
101 Kabadh suuf laga buuxshiyo
102 Mid baabuurka safeeyiyo
103 Aayad saarta carruuurtiyo
104 Sagaal boy iyo kuug iyo
105 Weliba seeksa lahaa
106 Kii saabaanka u laabayow
107 Saaxirkii kala gaurraye
108 Sarreeyow ma-nusqaamow
109 An siduu yahay eegno e
110 Kaana siib kanna saar
* * *
111 Sawjarkaa hubka qaataye
112 Intuu soodhka ku taagey
113 U diyaara salaantiyo
114 Saraakiisha amraysaay
115 Sifihii isticmaarka
116 Ka siyaadiya maanta oo
117 Sibilkiinnan ag joogow
118 Sibirtiisa istaaga oo
119 Nin walbaan sigib beeloo
120 Sarow taaga gacmaa oo
121 Sacabkaysku garaaca oo
122 Nin walbow saddex goor
123 Subxaanow waa mahaddaa dheh
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa!
____________________________________________________________
Allaha u naxariistee Ismaaciil Mire oo ka mid ahaan jiray darwiishtii
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hogaamiyaha u ahaa ee in badan gumeystihii
Ingiriiska dacarta u qooshtay ayaa sida la sheegay waxaa u yeeray Aaden
Carab "Carab Dheere" oo ahaa saajin Ingiriis, kana codsaday abwaanku in
uu ka gabyo xaflad markaasi taagnayd, markaa Ismaaciil wuxuu yiri:
Inkastoo kalaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo
Bad kalluun ku jira kay ku tahay ama se kooob shaaha
Kulligood addoomaha rabow qaybshey kibistiiye
Nin waliba wxii loo katibay waa la kulansiine
Nina inaanu soo korodhsanayn kaa ha la ogaado
kufri iyo Islaan loo collow kaysihii hore e
Kaakici wadaadkii jahaad laguna kaalmeeye
Kumanyaal lag wada duub cad buu keenay Beerdhiga e
waxse kadabkii go'ay waa markuu kadday raggiisiiye
Kabaalkiina wuxuu jabay markii kariyey reer khayre
Ragow kibirka waa lgu kufaaa kaa ha la ogaado
Annaa dunida keligay le buu koofil eersaday
Kashiisaba ma gelin wiil yar baa keebka kuu qabane
Raggow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kaysaha adduun Ina Ammaan kama qaraacayne
Ragba kenoo geli buu is yidhi waw koraysaaye
Isba kii Asraa'iil ma hadin kamana yaabayne
Raggow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Ninka koob nimca fiiqsadee kadin irmaan maalay
In karruurka uu qubo horay kaafka ugu tiile
Kuligoodba Reer Hagar anaa kiinahaa dilaye
Kama'a Sugule maantii sidii kuray Carruureede
Ficil baa kacshay naagta waa kala fogaayeen
Raggow kubirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kuwii Muxumud Waal raray hadduu saanta uga kaadsho
kulcad uma diloon oo ciyoon koor ma geliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Afxakame karkabaddii u ay kulaykiiye
ka danbee Caluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Kii kalena kaal weyn u tumay karina waabeeye
Kalluun shebeg u yaal buu ahaa kicinna shaydaan
Raggow kibirka waa lgu kufaa kaa ha la ogaado
Kelyo caana galeen baa ninkii kiciyey dheeraaye
Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhey iyo karuur kala macaanaaye
misna kala kharaaraa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Amuuraha ma kaadsado ninkay kedo shidaysaaye
Kalaamkuu lahaa Ina Galaydh kahay gadaalkiiye
kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuludiiye
Baalacal kelyaha kuma jareen kii uu quudhsaday
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Lixda koos ee Reer Cali Geree kow iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu qabaal waana kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa oon kadab u laabnayne
Karraysaha intuu buuxsaday oo kaman wan weyn yeeshay
yuu nimna karraamiyo colba le kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha islaamow naftii kii ladnaa gadaye
gabaygan la' yaabka leh waxaa tiriyay Xaaji Gooni oo ahaa,
waxaana uga soo jawaabay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo ay sida
la ogsoonyahay isku dir-diri jireen gabayo badan oo xujooyin
ah, xaajigu Allaha u naxariistee wuxuu yiri:
rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye
caynaanka anigow hayiyo celiyihiisiiye
kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele
lix iyo toban halaan soo cayimay caynka ka higaadsha;-
weel caanihii laga dhamee canuggu heemaarshay
oo ciida loo dhigay afkii laga casheynaayey
oo dhayi caaddaa ka tahay waaa cajabe sheega?
Ceesaamo kuu dhalahayaan dhiilo loo culannin
oo naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega?
cariish meel ku yaal oo aroos loo calaamadiyay
oo aadan cimrigii daawanayn waa cajabe sheega?
ceel buuxa aan laga cabayn cidina kuu diidin
oo maaxi caadaa ka tahay calowna keenaaya
oo maalka calaf looga shubin waa cajabe sheega?
calaf aan laguu qorin asaad cunni aroor noolba
aan caato iyo gaajo bi'in cawro waysaga e
oo aanad cayaar uga dhergayn waa cajabe sheega
cad baruur leh caysh iyo bariis caawa lagu siiyay
aad caafimaad iyo kalgacal calalisoo laysay
oo aadan caweysimi karayn waa cajabe sheega?
caal weyn lo'aad iyo libaax,caranayoo jooga
oo xero ciriiriya ku jira caabuqna isyeelin
aan xoola looga cabsanayn waa cajabe sheega?
waxaad cunni asaan eebahay kaaga calaf yeelin
oo aadan cayaar kaga dhergayn waa cajabe sheega
cir onkaday hillaac laga cabsaday karar cabaadaysa
oo rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega
waxaan caradhuubyadu dhex marin calalna jeexaaya
aan ciiska waran lagu karayn waa cajabe sheega?
caqiido naagaan lagu guursanoo cawda kuu gogosha
aadan cadaab kaga baqayn waa cajabe sheega?????
caday waxaad ku laysiyo ulaad caro u soo tuurtay
oo aadan dad kaga ciil baxayn waa cajabe sheega?
cawshiyo biciidkaa arlada cararayee jooga
in kastoo ciriid iyo kulayl lagu cisaareeyo
calooshooda oon lama gashee waa cajabe sheega?
waxaan caga lahayn oo kacayn sida curyaan naafo
oo samada hoos kaga calaqan waa cajabe sheega?